Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeybgalo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee la filayo inuu ka furmo caasimadda maalmaha soo socda.
Firdhiye oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in ka qeybgalka SSC-Khaatumo uu yahay mid rasmi ah oo xubin buuxda ay kaga noqoneyso madasha wadatashiga, wuxuuna yiri:
“Waxaan u imid Muqdisho si aan uga qeybgalo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, waana markii ugu horreysay ee SSC-Khaatumo ay si buuxda uga qeybgaleyso madashan muhiimka ah.” ayuu yiri Firdhiye.
Ka qeybgalka SSC-Khaatumo ayaa lagu micneeyay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa in maamulkaasi uu ku soo biiray miiska siyaasadda qaran ee Soomaaliya, xilli khilaafaad siyaasadeed ay hareeyaan dowlad-goboleedyada qaar iyo dowladda Federaalka.
Dhanka kale, Cabdifitaax Cabdinuur, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland, ayaa ku tilmaamay shirka NCC mid aan matalin dhammaan sida uu hadalka u dhigay aragtida shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu xusay in Puntland ay madasha ka baxday tan iyo December 2022, sababo la xiriira “isfaham la’aan siyaasadeed” oo uu sheegay inay ka dhalatay hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ee ku wajahan dowlad-dhisidda.
Dhinaca kale, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), madaxweynaha Jubbaland oo aanay dowladda Federaalka aqoonsan doorashadiisa, waxaa uu wajahayaa shuruud adag oo ah inuu ka laabto doorashadii Kismaayo ee dhacay November 2024, si uu uga qeyb galo shirka.
Shirka ayaa la qorsheeyay inuu furmo 5-ta bishaan May 2025, taasoo ku beegan Isniinta soo socota, waxaana dowladda Federaalka ay sheegtay in madaxda kale ee maamul goboleedyada la filayo inay Muqdisho yimaadaan saacadaha soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland waxay sheegtay in shirkan uusan xal u noqon karin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan, iyadoo ku baaqday gogol wadatashi oo ballaaran oo ay ka qeybgalayaan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
BN ONLINE TV