Ilo milatari oo Suudaani ah ayaa u sheegay warbaahinta in ciidanka milatarigu ay ka baxeen magaalada Al-Nuhud ee ku taal bartamaha dalka, kadib dagaallo ay la galeen Ciidanka Gurmadka Degdegga ah ee loo yaqaan RSF, kuwaasoo ku dhawaaqay inay la wareegeen magaalada iyo xarunta Guutada 18aad. Ilo wareedka milatari waxay xaqiijiyeen in ciidamadu ay “si xoog leh dib ugu laaban doonaan” magaalada ku taal gobolka Kordofaanta Galbeed.
Dhankiisa, Wasiirka Warfaafinta ahna afhayeenka dowladda Suudaan, Khaled Al-Aisar, ayaa sheegay in RSF ay ka geysteen magaalada Al-Nuhud dambiyo ka dhan ah dad rayid ah oo aan hubaysnayn, iyagoo dilay kuna gowracay muwaadiniin si arxan darro ah, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay inay dhaceen hantidii shacabka iyo in ay burburiyeen hay’adihii dawladda ee magaalada, isagoo ugu hanjabay iyaga iyo dowladaha garab siiyana “ciqaab aad u daran.” Al-Aisar wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidanku awood u leeyahay inuu dib ula wareego Al-Nuhud sida ay ugu guuleysteen magaalooyin kale.
Xadgudubyo baahsan
Isla waqtigaas, dhowr hay’adood oo rayid ah oo Suudaani ah ayaa ku eedeeyay RSF inay geysteen xadgudubyo baahsan kadib markii ay la wareegeen magaalada. Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegtay in in ka badan 100 qof rayid ah – oo ay ku jiraan 21 carruur ah iyo 15 dumar ah – lagu dilay xasuuq ay ku eedeeyeen Ciidamada Gurmadka Degdegga ah oo ka dhacay Al-Nuhud.
Waxay intaas ku dartay in Isbitaalka Waxbarashada ee Al-Nuhud, oo ah halbowlaha caafimaad ee deegaanka, uu shaqadii joojiyay kadib markii la biliiqaystay isbitaalka iyo bakhaarka dawooyinka ee Sanduuqa Saadka Caafimaadka. Saacadihii , RSF ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda ula wareegeen magaalada Al-Nuhud iyo xarunta Guutada 18aad ee ciidanka Suudaan.
Dagaallada Gobolka Niil-ka Cad
Isla war kale oo arrimahan la xiriri, ilo milatari ayaa sheegay in ciidanka Suudaan ay dib ula wareegeen magaalada Al-Sufi ee deegaanka Um Ramta, oo ku taal galbeedka gobolka Niika Cad. Warka ayaa intaas ku dartay in ciidanku ay baaritaan ka sameeyeen dhowr tuulo oo ku yaal galbeedka Niika Cad.
Gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan, ciidanka qalabka sida ayaa duqeeyay bakhaarro hub iyo shidaal ah oo ay RSF ku lahaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Nyala, gobolka South Darfur.
Tan iyo bartamihii Abriil 2023, ciidanka Suudaan iyo RSF ayaa ku jiray dagaal ay ku dhinteen in ka badan 20,000 qof, ayna ku barakaceen ama qaxooti noqdeen ku dhowaad 15 milyan oo qof, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxalliga ah, halka cilmi-baaris ay sameeyeen jaamacado Mareykan ah ay tirada dhimashada ku qiyaaseen ku dhawaad 130,000.
HBN ONLINE TV