Mareykanka oo soo xiray laba saldhig oo uu ku lahaa Suuriya

Ciidamada Mareykanka ayaa galinkii galinkii dambe saacadihii la soo dhaafay si rasmi ah uga baxay laba saldhig oo muhiim ah oo ku yaalla bariga Suuriya, gaar ahaan beeraha saliidda iyo gaaska ee Omar iyo Coneco, kuwaasi oo ku yaalla gobolka Deir Ezzor. Ilo-wareedyo ayaa sheegay in kolonyo ciidan oo Mareykan ah ay u ruqaansadeen laba saldhig oo kale oo ku yaalla gobolka Hasakah, kuwaas oo kala ah Qasrak iyo Al-Shadadi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ku dhawaad 200 gaari oo xamuul ah ay ka baxeen saldhigyadii laga guuray, iyagoo siday konteenarro, gaadiid dagaal iyo qalab ciidan oo la diyaariyey. Ilo maxalli ah ayaa wakaaladda wararka Anadolu ee Turkiga laga leeyahay u xaqiijiyay in qalabkaasi loo wareejiyay saldhigyada cusub ee ay gacanta ku hayaan ciidamada SDF ee Kurdiyiinta, oo Maraykanku si dhow ula shaqeeyo.

Bixitaankan ayaa imaanaya iyadoo Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee The Pentagon ay dhawaan shaacisay qorshe cusub oo lagu mideynayo saldhigyada Mareykanka ee Suuriya, loogana dhigayo kuwo hoos yimaada hal talis, si loogu fududeeyo howlgalka lagula dagaallamayo kooxda Daacish ee bariga dalkaasi.

Pentagon-ka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshe la doonayo in lagu yareeyo tirada ciidamada Mareykanka ee Suuriya, iyadoo la filayo in la gaarsiiyo in ka yar 1,000 askari dhowaan. Sida ay hore u baahisay jariiradda New York Times, Mareykanku wuxuu qorsheynayaa inuu xiro saddex saldhig oo ka mid ah siddeedda saldhig ee uu hadda ku leeyahay waqooyiga bari ee Suuriya, taasoo hoos u dhigi doonta tirada guud ee askarta oo u dhexeyn doonta 2,000 ilaa 1,400.

Ciidamada Mareykanka ayaa haatan weli ku sugan ilaa 21 saldhig iyo goobo ciidan oo ku kala yaalla gobollada Hasakah, Raqqa, Deir Ezzor, iyo Cayn al-Carab ee gobolka Xalab ee waqooyiga Suuriya.

Joogitaanka milatari ee Mareykanka ee Suuriya ayaa muddo dheer ahaa mid khilaaf dhaliyay, iyadoo madaxwayne Donald Trump uu horey u sheegay doonistiisa uu u qabo in ciidamada laga saaro dalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, saraakiil ka tirsan Pentagon ayaa marar badan ku adkeystay muhiimadda ay leedahay joogitaanka ciidan si loo sii wado dagaalka lagula jiro Daacish.

Wararka laga helayo gudaha Suuriya ayaa muujinaya in isbeddelladan ay keeni karaan saameyn ku saabsan awood qaybsiga gobolka, maadaama ay jiraan quwado badan oo daneynaya in ay buuxiyaan meelaha ay ka baxaan ciidamada Mareykanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed