Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo kooxda Daacish ay ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada difaaca Puntland oo ku yaalla aagga buuraha Calmiskaad, gaar ahaan deegaanka Ceelka GuryoSamo ee u dhow tuulada Dhasaan ee gobolka Bari.
Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah oo ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda, kuwaas oo isku qarxiyay bannaanka saldhigga. Intaas ka dib ayaa waxaa dhacay dagaal toos ah oo socday muddo saacado ah, waxaana ciidamada Puntland ay si buuxda uga hortageen weerarkaasi.
Sarkaal sare oo ka tirsan guutada labaad ee ciidamada difaaca Puntland ee fadhigoodu yahay Dhasaan ayaa sheegay in ciidamada ay toogasho ku dileen dhammaan xubnihii isku dayay in ay gudaha usoo galaan saldhigga, kadib markii ay weerarka qaraxyada ku bilaabeen saldhigooda. “Tiro kamid ah argagixisada ayaa is qarxiyay ka hor inta aysan soo gaarin difaacyadii hore, inta kalena ciidamadu waa toogteen,” ayuu yiri sarkaalku.
Dagaalkaasi waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, dhaawaciisana sarkaalka uu ku tilmaamay mid fudud.
Dhinaca kale, war ka soo baxay Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda weerarka soo qaaday, islamarkaana maydadka dagaalyahanadii Daacish lagu arkay aagga Dhasaan Sarre. “Maydadka Argagixisada Daacish oo saaka gorofsan Dhasaan Sarre, waa halkii xalay ciidanku uu ku xasuuqay Argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.
Xaaladda guud ee gobolka Bari ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo ciidamada difaacu ay wadaan howlgallo sifeyn ah oo ay ku baacsanayaan xubno laga yaabo inay ka carareen dagaalka oo dhacay oo dhacay xalay. Puntland ayaa horey u fashilisay weerarro la mid ah oo kooxda Daacish ay qorshaynayeen, sida kii ka dhacay Toggii Miraale.
Puntland ayaa muujinaya inay u sii kordhayaan isku dayada weerarro ee ay Daacish ka waddo buuraha gobolka Bari, balse sidoo kale diyaar u yihiin feejignaanta ciidamada Puntland ee ka hortagaya halista kooxda.
HBN ONLINE TV