Waxaa maanta baaqday kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay buuqii ka dhacay Arbacadii fadhiga golaha.
Fariin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka maanta u baaqday, islamarkaana kulanka xiga lagu qaban doono maalinta Isniinta ee soo socota.
Golaha Shacabka ayaa sida caadiga ah fadhiyadooda yeesha maalmaha Sabti, Isniin iyo Arbaco. Kulankii ugu dambeeyey ee Arbacadii ayaa si qasan ku soo dhammaaday, iyadoo muran xooggan uu ka dhashay qaabka golaha looga saaray Xildhibaan Cabdullaahi Abiib.
Qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa si cad uga hor yimid arrintaas, taasoo keentay buuq iyo fowdo hareeyay fadhiga.Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa guddi u saaray xiisadda ka dhalatay arrintaasi.
Sidoo kale, xildhibaan aan magacyadooda la shaacin ayaa laga mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Golaha.
Dhinaca kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa haatan dalka ka maqan, isagoo ku sugan magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha 38-aad ee Ururka Baarlamaannada Carabta (UIPA).
HBN ONLINE TV