Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejisay Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi oo uu dhowaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka, kadib isbedel degdeg ah oo lagu sameeyay wasaaradda wax ka yar 30 cisho gudahood.
Xil wareejinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo si toos ah xilka ugu wareejiyey Wasiirka cusub.
Madaxda hadlay ayaa kula dardaarmay Fiqi in uu guto waajibaadka culus ee horyaalla, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halganka ka dhanka ah kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee Alshabaab.
Axmed Fiqi oo hadal adag jeediyay intii ay socday xafladda ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu ka fogaado khilaaf horay uga dhex jiray Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka. “Loolanka waa midka halkaa inaga dhigay, waxaana ka shaqeyn doonaa in uusan mar kale ka dhex dhicin loolan iyo colaad dhexmarta wasaaradda iyo taliska ciidamada,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay in uusan noqon doonin wasiir la gorgortama taliyeyaasha ciidamada ama u adeegsada xilka dano gaar ah. “La iguma arki doono anigoo la ficiltamaya taliye ama shaqo kale dhex sida dano gaar ah,” ayuu si cad u yiri.
Markii uu ka hadlayay la dagaallanka Alshabaab, Wasiirka cusub ayaa muujiyay kalsooni buuxda isaga oo tilmaamay in kooxdaasi aysan ahayn cadow cusub balse uu si fiican u yaqaan. “Al-Shabaab waa ilmo yar-yar oo aan aad isku naqaanno, waana hubaa in inta aan xilka hayo aan ka ciribtiri doono dalka,” ayuu ku adkeeyay.
Fiqi waxa uu ballan qaaday in uu si daacadnimo leh u gudan doono masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo sheegay in uu horumarin doono hannaanka ammaanka, la dagaallanka argagixisada, iyo in ay sare u qaadaan kalsoonida shacabka ee hay’adaha difaaca.
Isbedelkan degdegga ah ayaa yimid kadib markii Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi xilka hayey muddo 21 maalmood oo keliya laga wareejiyey, waxaana loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka 2-aad ee dalka.
Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa in ay xoogga saarto xoojinta difaaca qaranka iyo dib u habeynta ciidamada, si wax looga qabto caqabadaha amni ee ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka.
Falanqeeysha dhanka Dimblomaasiyadda ayaa aaminsan in arinkan uu ku soo aaday ka dib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya oo uu hor kacayey taliyaha Ciidamada xoogga ay Alshabaab kala wareegtay gacan ku heynta degmada Aaden Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, taasi oo su’aalo badan laga keenay cida fududeysay iyo xogta sirdoon ee ciidamada sidey u yartahay.
HBN ONLINE TV