Baarlamaanka Soomaaliya oo Wajahaya culeyskii ugu cuslaa iyo buuq Gacan ka Hadal dhaliyey

Waxaa maanta si rasmi ah dib isugu soo laabtay Baarlamaanka Soomaaliya ka dib 11 maalmood oo hakad ah, balse fadhigii golaha ayaa si weyn waxaa u hareeyay buuq, firimbi iyo gacan ka hadal, taasoo muujisay xaaladda jahwareerka siyaasadeed ee taagan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa la kulmay buuq iyo carqalad markii uu soo galay hoolka Baarlamaanka. Wuxuu si adag u cambaareeyay ficilada xildhibaannada buuqa sameynayay, isagoo sheegay in toban xildhibaan aysan shaqada Baarlamaanka hor istaagi karin.

Guddoomiye Madoobe wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib, oo arrintiisa loo gudbiyay Guddiga Anshaxa iyo Xeer-hoosaadka Golaha si loo baaro eedeymaha ka dhanka ah iyo xal ka gaarista arintiisa.

“Xildhibaanadaan buuqaya waa markii afaraad oo ay shaqada Baarlamaanka hor istaagayaan, alaabo burburiyaan oo nala dagaalamaan. Markaan weydiiyay waxay rabaan, wax jawaab ah ima siin,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe.

Sidoo kale, Wuxuu intaas ku daray in laga yaabo in buuqaan laga hagayo sida uu hadalka u dhigay meelaha kale oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo howlaha Golaha Shacabka, inkasta oo aanu si cad u sheegin cidda ama meesha laga hagayo.

“20 qof iyo wax la mid ah shaqada Baarlamaanka ma joojin karaan,” ayuu si cad u sheegay guddoomiyuhu.

Dhanka kale, banaanka xarunta Villa Hargeysa, waxaa warbaahinta kula hadlay xildhibaano, iyagoo sheegay in cadaadis iyo faragelin lagu hayo. Muuqaallo la helay ayaa muujinaya askarta ammaanka oo warbaahinta ka saaraya xarunta Baarlamaanka, taasoo su’aalo ka dhalisay xorriyadda saxaafadda iyo madax-bannaanida Golaha.

Xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u adag, cakiran, una muuqata in khilaafka siyaasadeed uu galay marxalad halis ah, iyadoo aan weli xal laga gaarin xiisadaha soo laabtay ee gudaha Golaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed