Khilaaf ka dhex jiray Baarlamaanka Soomaaliya: Guddoomiye Madoobe oo ka laabtay qaraar ka dhan ahaa Xildhibaan Abib

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah uga noqday qoraalkii uu horay u diray ee la xiriiray in laga qaado xasaanadda xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Arrintaas ayaa hadda loo gudbiyay Guddiga Anshaxa iyo Xeer-hoosaadka Golaha si ay u qiimeeyaan, taasoo calaamad u ah sii xoogeysiga khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa horey u sheegay in xildhibaan Abib uu lumiyay kursigiisii maadaama uu ka maqnaa in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, balse tallaabadaas ayaa dhalisay dhaleecayn xoogan oo uga timid xildhibaano badan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaanada mucaaradsan go’aanka Guddoomiyaha ayaa haatan diyaariyay mooshin rasmi ah oo ka dhan ah Aadan Madoobe, iyagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay xeer-hoosaadka Golaha Shacabka iyo habraacyada sharciyadeed.

Waxay ku tilmaameen ficilkiisa mid “kalitalisnimo ah, aan sharciyad ku fadhiyin”, isla markaana dhaawacaya sumcadda iyo madax-bannaanida Golaha Shacabka. Khilaafkan ayaa muujinaya xiisad isa soo taraysa oo ku saabsan sida loo maamulo hannaanka baarlamaanka iyo isla xisaabtanka madaxda sare ee hay’adaha sharci dejinta.

Tan iyo 19-kii bishaan ma yeelan wax fadhi ah baarlamaanka, ka dib markii lagu kala tagay kulan uu golohu lahaa oo buuq iyo arbushaad hareeyeen. Intaasi ka dib waxaa dhacay shirar xoogan oo siyaasadeed oo la xariiray muran galinta xasaanada kursiga guddoomiyaha golaha shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed