Qoorqoor iyo Swan oo kawada hadlay shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Amniga Deegaannada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga maamulkaasi.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray, shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la filayo inuu dhawaan qabsoomo, iyo doorka Galmudug ee arrimaha masiiriga ah ee dalka ee dhanka Amniga deegaannada Galmudug iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo la falanqeeyey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka ammaanka iyo taageerada beesha caalamka.

Gargaarka Bini’aadantinimo iyo xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan Galmudug ayaa lagu lafa-guray kaalinta hay’adaha Qaramada Midoobay ee gurmadka iyo taageerada bulshada ay ka qaadan karaan. Mashaariicda horumarineed, gaar ahaan kuwa la xiriira dhismaha kaabayaal dhaqaale sida waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha caasimadda Dhuusamareeb ayaa masuuliyiintu ka xaajoodeen.

Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli James Swan iyo wafdigiisa ay socdaal shaqo ku marayaan qaybo ka mid ah dalka, si ay xog-ogaal ugu noqdaan xaaladda dhabta ah ee deegaanada iyo sidii loo dardar gelin lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee dowlad goboleedyada, gaar ahaan Galmudug.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed