Ammaanka magaalada Addis Ababa oo la adkeeyay – Maxaase u sabab ah?

Maalmo kadib markii Safaaradda Mareykanka ay soo saartay digniin ku wargelinaysa muwaadiniinta Mareykanka inay feejignaadaan maadaama “falal dambiyo ay dhici karaan wakhti kasta iyo meel kasta,” xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku daadisay gawaarida gaashaaman & ciidamo waddooyinka caasimadda Addis Abaab.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa ain tallaabadan ay ku soo beegmayso, xilli ay jirto hubanti la’aan sareysa oo ku habsatay dowladda Abiy, taasi oo wajahaysa cadaadisyo gudaha iyo dibadda ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo wadamada jaarka ah ayaa gaaray heer aad u hooseeya, halka dagaallo hubeysan ay weli ka socdaan gobollada Amxaarada iyo Oromada ee dalka.

Dhanka kale, dhaqaalaha dalka ayaa xaalad adag ku jira, taasoo kor u qaaday cabsi laga qabo xasillooni darro ballaaran oo dhici karta goor walba.

In ciidamo si muuqata loo dhigo waddooyinka Addis Ababa ayaa muujinaya walaaca isa soo taraya ee la xiriira ammaanka shacabka iyo awoodda ay xukuumaddu u leedahay inay xakamayso dalka, iyadoo caro iyo cabasho ay sii kordhayaan, sida ay sheegayaan dadka arrimaha Itoobiya ka faalooda.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed