Weerar hoobiyeyaal ah oo lagu qaaday Xarunta aadka loo ilaaliyo ee Xalane Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya tiro Hoobiyeyaal ah oo lagu weeraray xerada Xalane ee magaalada Muqdisho maanta oo Isniin ah, taas oo ah xarun si adag loo ilaaliyo oo ay ku yaalaaan xafiisyada Qaramada Midoobay, shaqaalaha Midowga Afrika iyo safaarado badan oo reer Galbeed ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicdaasi ay ku dhaceen gudaha iyo hareeraha xerada Xalane, hase yeeshee weli lama xaqiijin jiritaanka dhimasho iyo dhaawac ama khasaaare kale.

Ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ma jirto. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa horey weerarro noocan oo kale ah ugu qaadday garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xerada Xalane.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaanno iyo roondooyin adag oo lagu adkeynayo amniga aagga la weeraray.

Horaantii bishaan Abriil marar is xigay lagu gaaray hoobiyaal degmooyinka kulaala xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo Xalen, iyada oo ilaa hadda wax war laamaha ammaanka Soomaaliya kasoo saarin dhacdooyinkaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed