Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo howlgal qorsheysan kagala wareegay Alshabaab deegaanno Hirshabeelle ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya xoogagga deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaannada u dhexeeya Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa deegaannadaas, iyaga oo qorsheynayay weerarro.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay heleen xog sirdoon oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa Alshabaab, taasi oo suurto gelisay in la qaado howlgal guuleystay oo lagu qabsaday deegaannadii ay ku sugnaayeen.

Deegaannada Yasooman iyo Aboorey oo gobolka Hiiraan ka tirsan ayaa maalmihii dambe ay joogeen dagaalyahanno Alshabaab ah, halkaas oo ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wadeen.

Dagaallo goos-goos ah ayaa dhowr jeer ka dhacay Aboorey, waxaana ciidamada ay dadaal ugu jiraan sidii ay si buuxda ugu xoreyn lahaayeen deegaannada.

Illaa hadda lama hayo warar madax-bannaan oo faahfaahinaya khasaaraha ka dhashay howlgallada ka socda gobolka Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed