Ciidamada Puntland ayaa dilay nin ka tirsanaa kooxda Daacish, kadib markii lagu qabtay isaga oo miinooyin ku aasaya inta u dhexeysa deegaanka Turmasaale iyo Makadaan ee buuraha calmismaad.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay ciiidamada furinta hore ee Puntland, ninkan Daacish ka tirsan ayaa la toogtay xilli uu isku dayey inuu miinooyin dhigo wadooyinka muhiimka ah ee u dhexeeya labadaas deegaan.
Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay miinooyin badan oo uu ku waday jawaan, kuwaas oo ay markii dambe si amaan ah u qarxiyeen.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah dagaalka joogtada ah ee Puntland kula jirto kooxaha xagjirka ah ee gobolka ku sugan, si loo sugo amniga iyo xasilloonida deegaanka.
HBN ONLINE TV