Puntland oo u dirtay fariin cad maamulka SSC-Khaatumo – “Laba Daran Mid Dooro”

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad uu jeediyay maanta waxaa hor dhigay maamulka SSC-Khaatumo doorasho adag oo ah laba daran mid dooro, ka dib markii la fulin waayey sida uu hadalka u dhigay ballan-qaad hore oo ahaa gogol lagu wada fariisanayo dadka ka qeyb galay dagaalkii Somaliland ee laba xagaa ka hor dhacay Laasacaanood.

Deni ayaa tilmaamay in ay nasiib darro tahay in fadhigii la qorsheeyay aanu qabsoomin, hase yeeshee uu ka fogaaday inuu dhaliilo u jeediyo madaxda SSC-Khaatumo, isagoo xusay in hadda laga sugayo inay caddeeyaan mowqifkooda oo laba su’aal oo adag uu hordhigay ahaa.

“Hadalkoodii ahaa [SSC-Khaatumo] waa wada-tashanaynaa iyo inay cadeeyaan waa tashanaye adinkuna tashada. Labadaa mid ayey noqon doontaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Puntland ayaa horey dhowr jeer uga hadashay kaalinta ay ka qaadatay taageerada SSC-Khaatumo intii uu socday kacdoonkii ay la galeen Somaliland, dagaal sababay khasaare weyn oo aan ilaa iyo hadda si dhab ah loo qiimeyn.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan jeediyay xilli uu socdo loollan siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka maamulka SSC-Khaatumo iyo xiriirka ay la yeelan doonaan maamullada kale ee Soomaaliyeed.

Khaatumo weli jawaab degdeg ah kama bixin hadalka madaxeynaha ee ku aadan wada-tashiga aayaha SSC, wallow madax maamulka ah ay ku dhaliileen Puntland hagar-daamo siyaasadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed