Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka waaberigii ka qarxay deegaanka Wargaadhi, ka dib weerar ay halkaasi ku qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab, wallow dowladda Soomaaliya ay ka sheegatay guullo.
Waxaa jira warar is khilaafsan ayaa laga helayaa xaaladda deegaanka Wargaadhi. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen deegaanka, halka ilo maxalli ah ay sheegayaan in dagaalku wali socdo.
Warbaahinta dowladda ayaa dhankeeda ku warrantay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weerarkii Al-Shabaab, kuna guuleysteen inay “khasaare culus gaarsiiyeen Alshabaab” intii uu dagaalku socday.
Sarkaal ka mid ah kuwa ciidamada Dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wararka suuqa yaala been abuur yihiin. Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Ibraahim oo sheegay inuu ku sugan yahay deegaanka Wargaadhi ayaa carrabay in saakay lagu laayey Alshaabab 50 ruux kor u dhaafaya, inkasta oo aan la heyn cadeymo muujinaya sheegashadaasi.
Wargaadhi ayaa ah saldhigga labaad ee ugu weyn ee ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ay muhiim u tahay difaaca fariisimaha ciidamada dowladda ee Ceel-Dheer iyo Masagaway. Deegaanka Adan Yabaal, ayaa horay gacanta ugu galay Al-Shabaab 18-kii bishaan Abriil.
HBN ONLINE TV