Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in isaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay 16-kii bishaan Abriil duqeymo cirka ah ka fuliyeen biyaha badda Soomaaliya. Duqeymahan ayaa lagu bartilmaameedsaday doomo aan calan wadan, kuwaasoo siday sida hadalka loo dhigay hub casri ah.
War saxafaadeedka AFRICOM lagu cadeeyey in hubka loo gudbin rabay kooxda Alsabaab, kaasi si la tilmaamay halis weyn ku ahaa ciidamada Mareykanka iyo kuwa saaxiibadooda ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Warbixinta hordhaca ah ee AFRICOM ayaa muujinaysay in aanay jirin in dad rayid ah wax ku noqan duqeynta.
Dhanka kale, 17-kii bishaan Abriil, DFS ayaa sheegtay in duqeyn lagu burburiyey laba doon biyaha Soomaaliya oo khatar weyn ku ahaa amniga gudaha Soomaaliya iyo kan saaxiibada caalamka ee taageera nabadeynta iyo xasilinta dalka, waxayna tilmaantay in burburinta doomahaasi ay qeyb ka tahay howlgal ballaaran oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyada Alshabaab ee dhinaca badda.
Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin nooca hubka saarnaa doomaha, hadane kooxdu waxay ku dagaallanta Qoryaha culus ee nooca Dhashiikayaasha, PKM, Kuwa garbaha laga rido, Bambaanooyin, miinooyin dhulka lagu aaso iyo Agab kale oo istaraatiji.
Muddadii u dambeysay, waxaa jiray walaac weyn oo laga muujinayay xagee laga keenaan hubka ay Alshabaab haystaan, maadaama ay si joogto ah ula dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa caalamiga ah.
Falanqeeyayaal dhanka amniga ah ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan si buuxda u sugi karin amniga badda Soomaaliya, taas oo ay kooxdu uga faa’iideystaan in ay kala soo degaan hub iyo saanad ka timaada meelaha dibedda ah.
HBN ONLINE TV