Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa baaqday, ka dib markii uu hareeyay khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo mudanayaashu ay dhowaan ka soo laabteen fasax ku dhow bil.
Kulankan ayaa daba socday furitaanka kalfadhiga cusub ee Sabtidii hore, waxaana shirguddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur Madoobe & ku-xigeenkiisa labaad Xildhibaan Cabdullaahi Abshirow. Si kastaba ha ahaatee, fadhigaasi hore wuxuu ku soo dhammaaday buuq iyo muran aan xal loo helin, taas oo sababtay in ajandihii kulanka uu fashilmo.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si rasmi ah u xiray fadhigaasi, isagoo ku sababeeyay buuqa iyo isqabqabsiga ka dhex aloosnaa mudanayaasha, taasoo meesha ka saartay suurtagalnimada in si habsami leh loo guda galo ajandaha Golaha.
Muuqaallo laga helay kulanka Sabtida ayaa muujinaya xildhibaanno si cad ugu qeylinaya Guddoonka, iyagoo ka gadoodsan go’aankii uu guddoomiyuhu ka gaaray Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.
Sidoo kale, Xildhibaanno ilinka hore ee xarunta golaha warbaahinta kula hadlay waxay ku andacoodeen in aanay jirin awood sharci ah oo uu Guddoomiyaha keligiis ugu laaban karo xasaanad ka qaadista xildhibaan, islamarkaana arrintaasi looga baahnaa cod loo qaado Golaha dhexdiisa.
Xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa horseeday in xildhibaanno qaar ay abaabulaan mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe. Inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin mooshinkaasi, haddana warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in abaabulkaasi uu si hoose u socdo.
Xogaha la helayo ayaa muujinaya in khilaafka u dhexeeya Guddoonka Golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaannada uu sii xoogeysanayo, taas oo laga cabsi qabo inay carqaladeyso shaqada Baarlamaanka, xilli ay horeyba u jireen dhaliilo ku saabsan hannaanka hoggaamineed iyo waxtarka ee Golaha Shacabka.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale wajahay culeys siyaasadeed, iyadoo xasillooni-darro ka dhex aloosan tahay xubnaha Golaha, taas oo caqabad ku noqon karta geeddi-socodka sharci dejinta iyo howlaha horyaalla.
HBN ONLINE TV