Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay talaabada uu qaaday Madaxweynaha Puntland ee ku saabsan sameynta nidaam aqoonsi gaar ah, taas oo ay Dawladu ku tilmaantay mid waa sida hadalka loo dhigaye baal marsan sharciga iyo dowladnimada dalka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa lagu caddeeyay in Aqoonsiga Qaranku yahay xaq dastuuriyan uu leeyahay muwaadin kasta, isla markaana uu yahay nidaam Qaran oo keliya oo aan lagu celin karin siyaasad, lagana ilaalinayo faragelin iyo kala qeybin.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xustay in la meel mariyay xeerka Aqoonsiga Qaranka bishii Maarso 2023, isla markaana la aas-aasay hay’adda NIRA oo mas’uul ka ah diiwaangelinta iyo bixinta aqoonsiyada rasmiga ah ee dalka.
Warsaxaafadeedka ayaa si gaar ah loogu cambaareeyay wareegtadii uu soo saaray Madaxweynaha Puntland 04, 09/04/2025, taasoo lagu sheegay in lagu samaynayo aqoonsi kale oo aan waafaqsanayn nidaamka Qaran. Dowladda ayaa ku tilmaantay tallaabadaasi “jahwareer iyo khalad sharciyeed” oo dhaawacaya hannaanka dowlad-dhiska dalka.
“Tallaabada uu qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee ah sameynta aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka DF, waa qalad masuuliyadeed iyo mid sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeysa hannaanka dowladnimada dalka.” ayaa lagu yiri warkan ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday madaxda Puntland in ay ka fogaadaan ficillo carqaladeynaya midnimada dowladda iyo in ay si buuxda uga qeybqaataan hirgelinta nidaamka Aqoonsiga Qaranka, si shacabka Puntland uga faa’iideystaan xuquuqdooda dastuuriga ah.
Wasaaraddu waxay markale adkaysay in Aqoonsiga Qaranku yahay mid Qaran, aan siyaasadeysneyn, lana wada leeyahay, loona furan yahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Ma jiro wax war ah oo dhanka Puntland ka soo baxay oo ku aadan eedeymahan iyo hadalladan adag ee ka soo yeeray Dawlada Federaalka Soomaaliya.
HBN ONLINE TV