Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta khudbad uu ka jeediyey mgaalada Hargeysa wuxuu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ka jira gudaha Somaliland, safarkii Ra’sialwasaaraha Soomaaliya ku tagay magaalada Laascaanood, dagaaladii ka dhacay gobolka Sanaag iyo arrimaha xiririka dibedda.
Mar uu ka hadlayay safarkii Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ku tegay magaalada Laascaanood wuxuu ku sheegay waa sida hadalka uu u yiri mid “xadgudub qaranimada Somaliland”, isagoo sheegay in uu beesha caalamka si adag ugu wargeliyey in booqashada ay tahay waa sida Madaxweyne Cirro hadalka u yiri “dagaal furan oo Soomaaliya kusoo qaaday Somaliland”, laguna wiiqayo dadaallada nabadaynta iyo walaalaysiga ee Somaliland waday muddo dheer.
Ciro ayaa sheegay in digniin adag u diray beesha caalamka, isagoo sheegay in xadgudubkaasi uu sababi karo sida uu hadalka u dhigay colaad sokeeye oo deg deg u qarxa, isla markaana la doonayo in laga hortago tallaabo kasta oo xaaladda sii hurin karta.
Dhinaca diblomaasiyadda, Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in xukuumaddiisu kulammo iyo shirar muhiim ah la yeelatay madaxda qaaradda Afrika iyo daneeyeyaasha caalamiga ah, si loo xoojiyo dadaalka aqoonsi raadinta iyo iskaashiga caalamiga ah. Waxa uu ballanqaaday in dadaalladaasi la sii ambaqaadi doono.
Khudbada ayaa Cirro wuxuu ku soo bandhigay waxqabadka xukuumaddiisa muddadii 100-ka maalmood ee ay xilka haysay, isagoo si faahfaahsan uga hadlay arrimaha amniga, maamulka, caddaaladda, horumarinta adeegyada bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda arrimaha dibadda iyo gobolka.
Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in xukuumaddu mudnaanta koowaad siisay ilaalinta nabadgelyada Somaliland, isagoo xusay in tallaabooyin wax ku ool ah laga qaaday dagaalladii gobolka Sool iyo deegaannada xuduudaha, lana hirgeliyey dib-u-dajin iyo wacyigelin bulshada barakacday. Waxa kale oo uu xusay in la bilaabay dadaallo ballaadhan oo heshiisiin bulsho ah.
Dhinaca maamulka, Madaxweynaha ayaa sheegay in la sameeyay qiimayn dhammaystiran oo lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee dawladda si loo xoojiyo waxtarkooda iyo isla xisaabtanka. Waxa uu sheegay in la diyaariyey qorshayaal sharciyeedyo lagu adkeynayo hufnaanta xafiisyada dawladda, isla markaana lagu dhisayo kalsoonida shacabka.
Arrimaha caddaaladda, Madaxweyne Cirro waxa uu sheegay in la dhammeystiray habraacyadii maxkamadda dastuuriga ah, loona diyaarshay in si rasmi ah loo dhaqan geliyo. Waxa kale oo uu xusay in la bilaabay dib-u-habeyn lagu samaynayo nidaamka garsoorka iyo xoojinta madax-bannaanida hay’adaha sharciga.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in xukuumaddiisu xoogga saartay horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha, waxaana uu sheegay in la bilaabay mashruucyo ballaadhan oo laga hirgelinayo dhammaan gobollada Somaliland si shacabka loogu fidiyo adeegyo tayo leh.
HBN ONLINE TV