Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegtay masuuliydada duqeyn cirka ah oo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanno ku yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Puntland, 18-kii bishaan Abriil 2025.
Duqeyntan ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda ISIS-Soomaaliya, iyadoo talisku duqeynta ku sheegay codsi rasmi ah oo uga yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, lana fuliyey.
War ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntu ahayd mid lagu taageerayey ciidamada Soomaaliya iyo baabi’inta khatarta kooxaha Daacish oo uu carrababay inay qatar ku heyso xasiloonida gobolka iyo danaha Maraykanka ee caalamka.
Sida ay sheegtay AFRICOM, duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada iskaashi ee socda ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyo Maraykanka, si loo wiiqo awoodda ISIS-Soomaaliya ee ku aaddan abaabulka weerarro iyo hurinta xasilooni-darro.
Bayaanka AFRICOM ayaa xusay in aysan jirin wax khasaare ah oo gaaray dad rayid ah, iyada oo la adeegsaday hab-raacyo dhowr ah oo lagu xaqiijinayo in howlgallada militari aysan waxyeelleyn dadka aan hubeysneyn.
ISIS-Soomaaliya ayaa tan iyo 2015 ka howlgaleysay qaybo ka mid ah buuraha Galgala iyo dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad ee Puntland, halkaas oo ay ka fuliyaan weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka iyo shacabka.
HBN ONLINE TV