Ciidamada Puntland ayaa sheegay in 24-kii saac ee u dambeeyay hawlgallo qorsheysan ka fuliyeen togga Miiraale, oo ka mid ah meelaha ay Daacish ku dhuuman jireen, iyada oo lagu dilay xubno badan.
Howlgalladan ayaa lagu dilay ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, iyadoo sidoo kale lagu qabsaday hub, sahay ciidan iyo agab kale oo muhiim u ahaa howlgalladooda.
Taliska ciidanka ayaa sheegay in howlgalku uu yahay mid wali socda, iyadoo ciidanku ay sifeynayaan guud ahaan aagga togga Miiraale, si looga hortago in firxadka Daacish ay dib ugu noqdaan goobahaas.
War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay sawirro hordhac ah oo muujinaya maydadka xubno ka tirsan Daacish oo ajaaniib u badan, taasoo muujinaysa sida uu dagaalku u culus yahay, waxaana Puntland sheegtay inay ka go’an tahay sifeynta kooxda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in togga Miiraale uu muddo dheer u ahaa gabaad iyo saldhig ay ku dhuuntaan xubnaha Daacish, kuwaas oo fuliya weerarro ka dhan ah amniga Puntland.
Taliska ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka ilaa laga xaqiijinayo in gabi ahaanba laga sifeeyo khatarta argagixisada ee ku sugan deegaannadaas.
HBN ONLINE TV