Hoobiyeyaal Khasaare dhaliyey oo lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen kadib markii hoobiyeyaal lagu garaacay saakay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Hoobiyeyaashan ayaa ku dhacay degmooyinka Xamarweyne iyo Xamar Jajab, iyadoo mid ka mid ah degmooyinka laga wado diwaangalinta dadweynaha ee doorashooyinka golaha deegaanka.

Mid ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa si gaar ah ugu dhacay xaafadda UNICEF ee degmada Xamar Jajab, halkaas oo la xaqiijiyey in ay ku dhintay hal qof, halka labo kale oo caruur ah ay ku dhawacmeen.

Hooyo caruurteeda mid uu goobta ku dhintay midna uu dhaawac culus uu soo gaaray ayaa iyadoo murugo la ilmaynaysa u sheegtay warbaahinta: “Waxaan dareemaa xanuun saa’id u daran, cunuga xitaa waxaan daawo uga baxsano ma heysano.”

Falkani ayaa noqonaya weerarkii labaad ee bishaan gudaheeda lagu qaado magaalada Muqdisho, iyadoo weerar hore oo dhacay 5-tii bishan Abriil iyo 19-kii Maarso lagu garaacay agagaarka Xalane iyo Wardhiigley, taasoo iyaduna keentay khasaare kala duwan.

Ilaa hadda, ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku saabsan tirada hoobiyeyaasha dhacay iyo khasaarihii ay sababeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed