DEGDEG: Maraykanka oo Duqeyn Cirka ah ku burburiyay Doomo Hub u siday Al-Shabaab gudaha Soomaaliya

Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa fuliyay duqeyn cirka ah oo si gaar ah loo beegsaday laba dooni oo siday hub iyo saanad ciidan casri ah, kuwaas oo la sheegay in loo waday kooxda Al-Shabaab. Duqeynta ayaa ka dhacday meel ka mid ah biyaha Soomaaliya, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin goobta lagu burburiyay doomaha.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dooni aysan wadan calan dowladeed, taasoo muujinaysa in si qarsoodi ah loogu waday hubka. Mid ka mid ah doomaha ayaa siday hubka, halka doonta kale oo yar ay aheyd mid taageero siinaysay doonta weyn.

Dhammaan xubnihii kooxda ee saarnaa doomahaas ayaa lagu dilay duqeynta, sida lagu caddeeyay qiimeynta hore ee AFRICOM oo ay shacisay dowladda Soomaaliya.

DFS ayaa sheegtay in hubkan uu ahaa mid khatar weyn ku ah amniga gudaha Soomaaliya iyo kan saaxiibada caalamka ee taageera nabadeynta iyo xasilinta dalka, waxayna tilmaantay in burburinta doomahaasi ay qeyb ka tahay howlgal ballaaran oo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyada AlShabaab ee dhinaca badda.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin nooca hubka saarnaa doomaha, hadane kooxdu waxay ku dagaallanta Qoryaha culus ee nooca Dhashiikayaasham iyo PKM, Kuwa garbaha laga rido, Bambaanooyin, miinooyin dhulka lagu aaso iyo Agab kale oo istaraatiji.

Muddadii u dambeysay, waxaa jiray walaac weyn oo laga muujinayay xagee laga keenaa hubka ay Alshabaab haystaan, maadaama ay si joogto ah ula dagaalamaan ciidamada dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Falanqeeyayaal dhanka amniga ah ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan si buuxda u sugi karin amniga badda Soomaaliya, taas oo ay kooxdu uga faa’iideystaan in ay kala soo degaan hub iyo saanad ka timaada meelaha dibedda ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed