Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibadooda Mareykanka (AFRICOM) ayaa xalay fiidkii fuliyay howlgal duqeyn ah oo qorsheysan, kaas oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeyntan ayaa lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sida lagu sheegay xogta hordhaca ah ee kasoo baxday hay’adaha ammaanka, howlgalka waxaa lagu dilay 12 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxdaasi. Waxaa la xaqiijiyay in aan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka deegaanka, iyadoo la fuliyay tallaabooyin taxadar leh si loo ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah.
Dowladdu ma aysan sheegin in ay si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta degmada Aadan Yabaal, balse muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in kooxda Al-Shabaab ay ka baxeen xarunta degmada. Mid ka mid ah muuqaaladaasi ayaa laga maqlayaa cod nin leh “Taliye, alaabteena ma degsanaa?” taasoo tilmaamaysa suurtagalnimada in kooxda si degdeg ah uga guurtay goobta iyo dhawaqa rasaas culus oo dhaceysa.
Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan si loo adkeeyo amniga loogana xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta ah ee argagixisada ah.
Qiimeyn dheeraad ah ayaa wali lagu sameynayaa khasaaraha gaaray Kooxda, iyadoo hay’adaha amniga iyo saaxiibadooda AFRICOM ay sheegeen inay sii wadaan howlgalada si xowli ah ku socda.
HBN ONLINE TV