Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa shaaciyey in ay joojiyeen wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo socdaalkii Ra’iisul Wasaare Xamsa uu ku tegay magaalada Laascaanood ku tilmaamay “qatar siyaasadeed” iyo “xad-gudub ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland”.
War-murtiyeedka ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka leexatay dariiqii wada-hadalka iyo nabad ku wada noolaanshaha Geeska Afrika. “Golaha wasiiraddu waxay go’aamiyeen in laga boxo wadahaladii lagula jiray Soomaaliya” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka Shirka golaha.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Cali Ayaanle ayaa sheegay in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ahaa xadgudub cad oo liddi ku ah madaxbannaanida Somaliland.
“Tallaabadaasi waxay ahayd daandaansi siyaasadeed iyo hurin colaadeed, taas oo si toos ah Qatar u galinaysa xasilloonida gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri wasiirku.
Goluhu sidoo kale wuxuu beeniyay in aanay jirin wax wada-hadal ah oo la xiriira sii deynta maxaabiis, isaga oo sii deyntii maxaabiistii laga keenay Laascaanood oo shalay laga dejiyey Muqdisho ku sifeeyey “fashil siyaasadeed”.
Somaliland waxay sheegtay inay weli diyaar u tahay is-dhaafsi maxaabiis iyadoo loo marayo hay’adda Bisha Cas ee Caalamiga ah (ICRC), balse aysan aqbalayn tallaabooyin siyaasadaysan oo aan la isku waafaqsanayn.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay si degdeg ah uga falceliso waxa ay ku sheegeen xadgudub ay Dowladda Soomaaliya ka gaysanayso deegaanka bariga Sool — dhul ay Somaliland sheegato balse tan iyo sanadkii 2023 uu ka arrimiyo maamulka SSC-Khaatumo.
Go’aanka Somaliland ayaa imanaya xilli xaalad siyaasadeed iyo amni oo cakiran ay ka jirto gobolka, iyadoo dadaallo la xiriira arimaha nabadda uu Ra’iisul Wasaare Xamsa ku tagay 12-kii bishaan gudaha SSC-Khaatumo.
Dowladda Soomaaliya kama jawaabin go’aankan ka soo baxay shirka golaha wasiiradda Somaliland.
HBN ONLINE TV