Faahfaahin dheerad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo culus oo maanta ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ka dib markii saaka weerar culus oo saddex jiho ay ka soo qaadeen maleeshiyaadka Al Shabaab kuwaasi oo la wareegeen degmadan oo muddo dheer u ahayd xudun howlaha dagaal ee dowladda Soomaaliya ka waddo deegaanada Hirshabelle. Dagaalka ayaa sababay khasaare culus oo labada dhinac soo gaaray.
Ciidamadii dowladda iyo kuwa deegaanka ee degmada ku sugnaa ayaa dib ugu guray degaannada ku teedsan wadada loogu socdaalo magaalada Muqdisho, iyaga oo bilaabay dib isu abaabul iyo diyaargarow ay ku doonayaan in ay qaadaan weerar rogaal-celis ah. Ilo ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in gurmad ciidan loo diray aagga si dib loogu qabsado degmada.
Khubarada amniga ayaa sheegay in inkastoo Al-Shabaab qabsadeen degmada, ay adkaan doonto in ay muddo dheer haystaan, maadaama ay ku sugan tahay meel ay sahlan tahay in la go’doomiyo ama lagu qaado duqeymo cirka ah. Si kastaba ha ahaatee, qabsashada degmada waxay dhabar-jab siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah ku tahay ololaha dowladda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, gobolka Hiiraan ayaa laga soo sheegayaa in ciidamada dowladda ay ka baxeen tuulooyinka Yasooman iyo Aboorey, taasoo culays cusub ku keenaysa difaacyada magaalooyinka muhiimka ah sida Maxaas iyo Moqokori. Tuulooyinkan ayaa dhawaanahan waxaa ka oognaa dagaallo culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qabsashada Aadan Yabaal, halka dowladda Soomaaliya aysan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdooyinkan ugu dambeeyay.
Dadka falanqeeya amniga ayaa sheegaya inay u muuqato in dowladda ay sahashanayso abaabulka dagaal ee Al Shabaab isla markaana ay xoogga saarayso arrimo ay ka muhiimsan yihiin dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab, sida arrimaha doorashooyinka oo la isku khilaafsan yahay iyo wax ka beddelka dastuurka.
HBN ONLINE TV