Iyadoo si buuxda ula kaashaneysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyey gudaha Soomaaliya, gaar ahaan bartilmaameed ka tirsan ururka Daacish, taasi oo ka dhacday dhamaadka todobaadkii hore Puntland.
Duqeyntan ayaa aheyd mid si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan ISIS–Soomaaliya, waxayna ka dhacday 11-kii bishaan Abriil koonfur-bari magaalada Boosaaso ee waqooyi-bari Soomaaliya.
Taliska Africom ayaa carrabaabay in Qiimeynta hordhaca ah ay muujineyso in duqeyntu guuleysatay, ayna jiraan khasaare ka dhashay oo soo gaaray kooxda, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.
AFRICOM waaxay bayaanka ay soo saartay ku shaacisay in xubno badan oo lagu dilay duqeynta cirka ah ee dhacday jimcihii aan ka soo gudubnay.
Sidoo kale, waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in AFRICOM, oo kaashanaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonto tallaabooyin lagu wiiqayo awoodda Daacish–Soomaaliya, si looga hortago weerarro ay qorsheynayaan ama fulinayaan oo khatar ku ah Mareykanka, ciidamadiisa iyo muwaadiniintiisa.
HBN ONLINE TV