Xukuumadda Somaliland oo ku Dhawaaqday in uu Soo Dhammaaday Khilaafkii Ceel-Afweyn

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in la soo afjaray khilaafkii muddada dheer ka taagnaa degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, kaddib markii munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Caynaba lagu qarameeyey ciidamadii ugu dambeeyey ee madaniga ahaa ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo hoggaaminayay hawlaha qaramaynta ciidamadan ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana qiimo weyn ugu fadhida Somaliland. Wuxuu xusay in tani ay muujinayso dadaalka ay xukuumaddu ugu jirto sidii looga hortagi lahaa dib u soo laabashada colaadaha deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyey in Somaliland ay dadaal adag gelin doonto sidii aan mar kale wax dhib ah uga dhici lahayn degamda Ceel-Afweyn, maadaama hadda maleeshiyaadkii deegaanka ee hubka watay lagu daray ciidanka Somaliland.

Gobolka Sanaag ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay wajahayey colaado is-daba joog ah oo saameyn taban ku yeeshay bulshada deegaanka, iyadoo magaalada Ceerigaabo ay dhowr jeer si toos ah u saameeyeen colaadahaasi.

Xukuumadda Somaliland waxay rajeynaysaa in heshiiskan iyo qaramaynta ciidamada ay horseedi doonaan nabad waarta iyo horumar deegaanada gobolka Sanaag helaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed