Ciidamada Koofur Galbeed oo iyo Militeriga Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaanka Deeynuunay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay ciidamada daraawiishta Maamulka Koofur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Deeynuunay ee gobolka Baay.

Dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda iyo Alshabaab ayaa ka dhacay deegaanka Deeynuunay oo qiyaastii 18-km u jira magaalada Baydhabo.

Wararkii u dambeeyay oo naga soo gaaraya halkaasi ayaa sheegaya in Ciidamada ay gudaha u galeen deegaanka, halkaasi ay ay howlgallo ka wadaan.

Saraakiisha Ciidanka Ciidamada Booliska Koofur Galbeed oo garab ka helaya Taliska Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen deegaanka Deeynuunay.

Hore ciidanka xoogga iyo kuwa daraawiishta Koofur Galbeed ayaa uga baxay deegaanka Doynuunay oo ah mid muhiim ah, lagana sugo Amniga magaalada Baydhabo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed