Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu guddoonsiisay Shirkadda Starlink rukhsadda isgaarsiineed ee ay kaga howlgaleyso gudaha Soomaaliya. Munaasabadda guddoonsiinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo wakiillo ka socday Shirkadda Starlink.
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya Mustafa Yaasin Sheekh oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in ku soo biiritaanka Starlink ay wax weyn ka tari doonto horumarinta adeegyada internetka, gaar ahaan meelaha aan horey u heli jirin adeegyadaas.
Wuxuu tilmaamay in adeegga Starlink uu si gaar ah faa’iido ugu yeelan doono shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha dowladeed iyo ganacsiyada ku sugan deegaanada ka baxsan magaalooyinka waaweyn, halkaas oo adeegga internet-ka ee uu xaddidan yahay.
Dhankiisa, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Macallin oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in adeeg internet oo casri ah lagu gaarsiiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa xusay in Starlink ay qeyb ka tahay himilada dowladda ee ah in la helo adeeg internet oo ballaaran, tayo leh, la awoodi karo, islamarkaana gaari kara goobaha fogfog ee dalka.
Adeegga internetka ee ay Starlink bixiso ayaa ku saleysan dayaxgacmeedyo hawada sare ah, taas oo suuragal ka dhigeysa in internet-ku gaaro meel kasta oo ka mid ah dalka, xitaa goobaha ay adag tahay in xargo internet ah la geeyo. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid xoojinaysa adeegyada isgaarsiinta ee hadda ka jira dalka, iyadoo si weyn uga qayb qaadaneysa in dhammaan bulshada Soomaaliyeed ay si siman uga faa’iideystaan adeegyada internetka.
Soomaaliya ayaa horey u lahayd dhowr xarig internet oo laga soo geliyay qaar ka mid ah xeebaha dalka, waxaana ku soo biiraya adeeg cusub oo dhinaca cirka ah, taasoo laga filayo in ay wax weyn ka bedesho muuqaalka isgaarsiinta dalka.
HBN ONLINE TV