Madaxweyne Xasan Sheekh oo si adag uga soo horjeestay In Falastiiniyiinta loo raro Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag u diiday soo jeedin kasta oo ku saabsan in Falastiiniyiinta loo raro dhulka Somaliland, isaga oo ku tilmaamay fikirkaas mid aan cadaalad ahayn oo aan xal waara keeneyn.

Isagoo ka hadlayay Shirka Diblomaasiyadda ee Antalya ee ka socda Turkiga, Madaxweynaha ayaa sheegay:

“Somaliland waa qeyb ka mid ah Soomaaliya — ma aha dal gaar u taagan. Dunidu kama shaqeyso sida kaynta oo kale, oo dalalka lagu kala jarjaro si aan sharci ahayn.”

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay in aanay jirin dowlad ama hay’ad caalami ah oo si rasmi ah u weydiisatay Soomaaliya in ay martigeliso Falastiiniyiinta si ay bedel uga noqdaan dhulkooda.

“Cidna weligeed Soomaaliya ugama imaan codsi ah in Falastiiniyiinta lagu bedelo dhulkooda. Haddii xitaa la yimaado codsi noocaas ah, annagu taas xal uma aragno.”

Wuxuu si adag uga soo horjeestay fikradda ah in Falastiiniyiinta laga raro dhulkoodii ab ka ab loo lahaa, isagoo yiri:

“Fikradda ah in dad laga raro dalkooda si lagu geeyo dhul dad kale leeyahay ma aha xal. Falastiin waxay u dhalatay dhulkooda — kumanaan sano ayey halkaas ku noolaayeen, waana sii joogi doonaan.”

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka digay qirashooyinka aan sharciyadda caalamiga ah lahayn ee dalal gaar ahi siinayaan Somaliland.

“Haddii qof yiraahdo, ‘waxa aan aqoonsaday dal hebel’, maaha sida caalamku u shaqeeyo. Tallaabooyinka noocaas ah wax xal ah ma keenayaan, waxayse abuuri karaan khilaaf dheeraad ah iyo xasillooni darro.”

Isagoo hadalkiisa ku soo xiraya, Madaxweynaha ayaa mahadcelin u jeediyay wadamada si dhab ah ugu howlan xalinta arrinta Falastiin.

“Waxaan u mahadcelinaynaa wadamada si dhab ah uga shaqeynaya xal waara. Waxaan rajeyneynaa in dunidu ay ku soo laabato garashada saxda ah, oo ay doorto wadada cadaaladda iyo wadahadalka.”

Hadallada Madaxweynaha ayaa si weyn u qabsaday madasha, taas oo ay isugu yimaadeen madaxda caalamka si ay uga wada hadlaan dhibaatooyinka diblomaasiyadeed ee ugu waaweyn ee caalamka haysta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed