Maxay ka wadahadleen Xasan Sheekh & Erdogan?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga kala qeybgalay madaxda caalamka ee furitaanka Madasha Diblomaasiyadda ee sannadlaha ah, taasoo Soomaaliya uga faa’iideysaneysa doonta xoojinta kaalinteeda dhanka siyaasadda iyo amniga.

Madashan oo ah mid ka mid ah meelaha ugu sarreeya ee lagu falanqeeyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa Soomaaliya fursad u siinaysa in ay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo is-dhaafsiga khibradaha maamulka.

Sidoo kale, Madaxtooyada Soomaaliya oo ka warbixisay ka qeybgalka Madaxweyaha ee shirka Antalya ayaa shaacisay in Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan doonto arrimaha caalamiga ee la xariira midnimada iyo danaha dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay wafdigiisa, isagoo sidoo kale la kulmi doona madaxda iyo hoggaamiyeyaasha kale ee ka qeybgalaya madasha.

Geesta kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya sheegtay in kulan miro-dhal ah uu la yeeshay dhigiisa Türkiye Recep Tayyip Erdoğan, inta lagu guda jiray Madasha Diblumaasiyadda Antalya. Labada Madaxweyne ayaa xog waraystay sida carrabaabay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo maalgashiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed