Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa si meeqaam sare ah maanta loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Xamsa oo markii uu ka degay Laasacaanood ilinka hore ee garoonka kula hadlay shacabka iyo masuuliyiin ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta loo sameeyey isagoo yiri “Booqashadeennu waxa ay xambaarsantahay Wax qabad, midnimo, nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed”.
Soo dhaweyntiisa ayaa waxaa ka qeyb galay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Safarka Xamsa oo lagu macneeyey midnimo ayaa la sheegay in lagu xoojinayo midnimada dalka iyo horumarinta adeegyada dowladdeed ee ay u baahan yihiin bulshada reer SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye oo saxaafadda la hadlay ka dib khubadda Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku soo dhaweynayo Laasacaanood masuulkii 2-aad ee muddo ku siman 40 sano booqda.
“Waxaa tahay masuulkii 2-aad ee muddo siman 40 sano soo booqda magaalada tan [Laasacaanood] ka dib booqashii taariikhiga aheyd ee Madaxweyiniihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ku yimid 1986-kii” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali.
Masuuliyiinta dowladda ee warbaahinta Kula hadlay qaarkood Laasacaanood jooga ayaa sheegay in dowladda adeegyada ugu horeeya ee deegaanka ay ka qabeyso ay ka mid yihiin Doorashada Qof iyo Cod, sida aan ka soo xiganeyno wasiirka arimaha gudaha Cali Xoosh.
HBN ONLINE TV