Golaha Wakiillada Somaliland oo ugu baaqay Xukuumadda in laasho wadahadalladii Soomaaliya.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta si adag uga falceliyey socdaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ku tagay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, oo ay Somaliland sheegto inay ka tirsan tahay dhulkeeda, inkastoo ciidanka Somaliland deegaanadaasi laga saaray sanadkii 2023-dii, ka dib dagaalo culus oo mudd bilooyin ah socday.

Go’aan golaha oo si rasmi ah looga akhriyey xarunta golaha ee Hargeysa, warbaahintana loogu gudbiyey ayaa lagu sheegay in socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay waa sida hadalka loo dhigaye “farogelin qaawan oo ka dhan ah madax-bannaanida Somaliland,” iyadoo Golaha uu taageeray mowqifka xukuumadda Somaliland ee ku aaddan safarkaasi.

War saxaafadeedka golaha Wakiilaada ayaa lagu sheegay in Xukuuamadda Somaliland ay joojiso wadahadaladii labada dhinac, aysana ka mid noqon wadahalad dambe.
“Golaha wakiiladdu wuxuu xukuumadda [Somaliland] u soo jeedinayaa in ay gabi ahaanba laasho, isla markaana aanay qayb ka noqon wadahadalo dambe oo xukuumaddu la yeelato Soomaaliya” Golaha wakiilladda Somaliland

SIdoo kale, waxaa warka lagu sheegay in beesha caalamka, hay’adaha amniga iyo siyaasadda ee gobolka iyo caalamkaba la wargelinayo in socdaalkaasi uu carqalad ku yahay nabadda iyo xasiloonida gobolka, islamarkaana Somaliland aanay masuul ka ahayn wax dhibaato ah oo ka dhasha socdaalkaasi iyo in Golaha Wakiilladu ku baaqayo in madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliland ay midnimo muujiyaan si looga hortago farogelinta dowladda Muqdisho.

Golaha ayaa xusay in beesha caalamka la ogeysiiyay arrintan tan iyo August 2023, balse wax tallaabo ah aan laga qaadin, taasoo ay carrabaabeen inay dhalisay fursad uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yimaado safar “is-mariwaaga siyaasadeed horseedi kara”.

“waxay caddaynaysaa in natiljo kasta oo ka dhalata safarka Ra’isal Wasaaruhu liddiku yahay amniga iyo xasilloonida mamdiqadda ayna maas’uuliyadda wixii dhibaabo ah ka yimaaddo keligeed ku tahay dawladda Mugdisho” ayaa lagu yiri warka golaha.

Warqada waxa si wadajir ah u saxeexay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Guddoomiye Ku-xigeenkiisa Jamal Jaamac Jiir iyo Xoghayaha Golaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed