Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka Soomaaliya Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta shir jara’id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa ku dhaawaqay in todobaad soo socda la bilaaabi doono diiwaan galinta dad weynaha ee doorashada golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in hadda guddigu uu gacanta ku hayo 5 urur oo diyaar u ah doorashada golaha deegaanka ee bisha 6-aad ee sanadkan, kuwaa oo uu ku sifeeyey inay yihiin saamilayda siyaasaadda.
“Maanta shan ururaa la hayaa, waa Saamileyda siyaasada saxda ah. Asbuuca soo socdana waxaa bilaabaneysa diiwaan galinta dad weynaha waxaa xigi doona doorashada golaha deegaanka, waxay fursad u heli doonaan inay ka qeyb qaataan doorashada golaha deegaanka ee dhici doonta bisha 6-aad ” ayuu yiri Gudoomiye Cabdikariin.
Sidoo kale, guddoomiyaha oo u fasaxay shantaan ururs inay bilaabi karaan maanta ololahooda doorashada golaha deegaanka ayaa sheegay in diwaan galinta dadweynaha Muqdisho ay furmi doonto 15 bishaan Abriil ee sandkan.
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo dhisan muddo afar bil ah ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan in la qabto doorashada qof iyo cod ah, wallow xubnaha mucaaradka ah ay diidmo qayaxan kala hor yimaadeen.
HBN ONLINE TV