Ciidamada Xoogga oo saaacado ka dib Alshabaab kala wareegay deegaanka Abboorey Hiiraan

Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa ku dhawaaqay in markale ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo saaka aroornimadii hore ay ku qaadeen weerar lagu tilmaamay mid saf ballaaran oo sababay khasaare soo gaaray Alshabaab.

War ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay maydad tiro beel ah ay daadsan yihiin gudaha deegaanka Aboorey, ka dib markii in Ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay u daateen godad ay Alshabaab ka sameysteen gudaha halkaasi.
“Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay maydadka Khawaarij tiro beel ah oo daadsan gudaha deegaanka” ayaa lagu yiri warka Wakaallada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee xaqiijiyey qabsashada Aboorey ayaa xusay in xubno badbaaday oo kooxda ah ay duurka u fikadeen, laguna raadjoogo.

La wareegistaan ayaa ku soo aadeysa, ka dib markii ay soo shalay galinkii dambe warar sheegaya in kooxda Alshabaab ay gacana ku dhigtay deegaanka Aboorey oo hoos timaada degmadda Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed