Deni oo Boosaaso kula shiray saraakiil Mareykan ah xilli Puntland wado dagaal ka dhan ah ISIS

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku tagay magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud, gaar ahaan Howlgalka loogu magac daray “Ciribtirka Argagixisada” ee Puntland, waxaana Deni uu Dowladda Maraykanka kaga mahadceliyey taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen howlgalka ka dhanka Daacish ee lagula beegsaday buuralayda Calmiskaad.

Bayaan Puntland ayaa lagu sheegay in Maraykanku boggaadiyay howlgalka ciribtirka argagixisada iyo guulaha waaweyn ee ay gaareen maamulkooda, iyada oo Kulanka looga hadlay sidii loo sii xoojinlaha wadashaqeynta labada dhinac.

Taliska Maraykanka oo duqeyn silsilada ah bilaabay horaantii Febraayo ee sanadkan ayaa ku sheegayey mid walba dilitaanka xubno badan oo Daacish ah oo Badi ahaa Ajaaniib.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed