Xogo dheeraad ah oo ka soo baxaysa Hoobiyaal lagu gaaracay Xalane aagga Garoonka Muqdisho

Tiro hooybiyaal oo maanta lagu garaacay Xerada Xalane ee xayndaabka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo baxaya macluumaad dheeraad ah, kaasi oo lagu eedeeyey inay ka dambeysay Alshabaab.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midogw Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, tiro hoobiyaal ah ayaa kooxda Alshabaab waxay ku garaacday Xerada Xalane waberigii hore ee saaka.

Ma jirto wax khasaare naf ama hantiyeed ah oo ka dhashay weerarkaasi, sida lagu sheegay bayaanka howlgalka uu ka soo saaray dhacdadaan.

Sidoo kale, howlgalka ayaa hoosta ka xariiqay in weearada nuucaan ah aanay waxba u dhimi doonin howlgalkooda lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya.

“AUSSOM waxay ku celinaysaa in weerarada noocan oo kale ah aysan waxba u dhimi doonin go’aankooda adag ee ay ku taageerayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo dadaalka lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dalka” ayaa lagu yiri warka AUSSOM.

Weerarkan hoobiyaasha ah oo maalinkii 2-aad lagu garaacayo Muqdisho ayaa aan wax war ah dowladda Soomaaliya ka soo saarin, kuwaa oo dhaliyey qaarkood khasaaraha badan.

Si kale, waa weeararkii labaad oo Hoobiyaal lagu dhuftay 20 cisho gudahood ah Xerada Xalane ee Muqdisho, ka dib markii 19-kii bishii hore ee Maarso tiro hoobyaal ah lagu garaacay xaruntan sida weyn loo ilaaliyo amnigeeda ee ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed