Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo maanta si rasmi ah xilka wasaaradda loogu wareejiyey ayaa wacad ku maray inuu sii laba jibaari doono dagaalka dowladda ay ku jirto kooxda Alshabaab.
Jibriil oo balan qaaday inuu si dhow u la shaqeyn doono taliska Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in cid kasta oo ka caawisa la dagaallanka Alshabaab uu xiriir dhow la yeelan doono.
“Ma nasan doono ilaa tuulada ugu dambeysa aan cadowga ka saarno, oo hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed Nabad ku seexdaan” ayuu yiri Wasiirka Jibriil.
Intaasi ka dib, Ra’iisul Wasaaraha Xukuuamadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey wasiir Jibriil, isaga oo wasiirka xafiiska banaynaya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu gacanta ka saaray Malafyada xogta wasaaradda Difaaca.
Xil wareejinta ayaa timid, ka dib markii 17 bishii Maarso xilka laga qaaday wasiirka Gaashaandhiga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, iyada oo xilkaasi loo magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji.
HBN ONLINE TV