Ruushka oo cadeeyay mowqifkiisa ku aadan in Bashar Al Asad loo gacan galiyo dawlada cusub ee Suuriya

Xiisad ayaa cirka isku sii shareeraysa taasi oo u dhexeysa Dimishiq iyo Moscow kadib markii Madaxweynaha cusub ee Suuriya, Ahmed al-Sharaa, uu si rasmi ah uga codsaday Ruushka in loo soo gacan geliyo madaxweynihii hore Bashar al-Assad. Wararka laga helayo Aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka ayaa sheegaya in codsigaas la diiday, iyadoo la sheegay in Assad uu weli u hoggaansan yahay shuruudaha magangalyadiisa ee Ruushka.

Safiirka Ruushka u fadhiya Ciraaq, Alprus Kotrashev, ayaa u sheegay warbaahinta maxalli ah oo Ciraaqi ah in mid ka mid ah shuruudaha adag ee lagu siiyay Assad magangalyada ay tahay inuu gabi ahaanba isaga haro arrimaha siyaasadda isla markaana aanu la hadlin warbaahinta. Kotrashev wuxuu carabka ku adkeeyay in Moscow aragtideedu tahay in aanay suurtagal ahayn in la soo gacan geliyo Assad maamulka cusub ee Suuriya, maadaama uusan jebin heshiiska magangalyada.

Safiirku wuxuu sidoo kale shaaciyay in magangalyada Assad iyo qoyskiisa uu si toos ah u ansixiyay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, taasoo muujinaysa sida Kremlin-ku uga go’an tahay in uu difaaco madaxweynihii hore ee Suuriya in aan la maxkamadeyn.
In kasta oo Moscow aanay shaacin halka uu Assad hadda degan yahay, haddana warbixinno sirdoon oo Maraykan ah ayaa tilmaamaya inuu ku sugan yahay dhisme dabaq ah oo amnigiisu aad u sareeyo kuna yaalla caasimadda Ruushka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku qiyaastay hantida qoyska Assad inay gaareyso illaa $2 bilyan, taasoo lagu keydiyay akoonno qarsoon, shirkado been abuur ah, iyo hanti la dhigtay guryo ku kala yaalla dunida dacaladeeda.

Codsiyada lagu dalbanayo in Assad loo celiyo Suuriya si loo maxkamadeeyo ayaa isa soo taraya bilooyinkii la soo dhaafay. Bishii hore, warbaahinta ayaa sheegtay in Madaxweyne al-Sharaa uu si toos ah ugu codsaday Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in Assad loo soo celiyo dalka si loo geeyo maxkamad. Tallaabadan ayaa calaamad u ah isbedel weyn oo ku yimid mowqifka maamulka cusub ee Suuriya ee ku aaddan nidaamkii hore.

Dhacdo kale oo sanadkan hore dhacday, wakaaladda Reuters ayaa soo xigatay ilo diblomaasiyadeed oo sheegaya in Madaxweyne al-Sharaa uu sidoo kale codsaday in la helo bangiyo xisaabaad lacageed oo la sheegay in Assad uu dhigtay intii uu talada hayay. Si kastaba ha ahaatee, wafdi Ruush ah oo dhawaan booqday Dimishiq ayaa beeniyay in wax lacag ah oo noocaas ah lagu hayo bangiyada Ruushka.

Bashar al-Assad, oo xukumayay Suuriya laga bilaabo 2000 ilaa uu ka cararay dhammaadkii 2024, ayaa helay magangelyo Ruushka ah kaddib markii uu ka baxsaday Damishiq, wax yar kahor intii aanay xukunka la wareegin dowladda ku-meelgaarka ah ee lagu heshiiyay xabbad-joojinta ay Ruushku dhexdhexaadinayeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed