Howlgal lagu dilay xubno Alshabaab oo ka dhacay Shabeellaha dhexe

Ciidamada deegaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) aqoonsan tahay ee Macawisley ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen tuulo hoos tagta degmada Al-kowsar khasaare dhimasho iyo dhaawac ah loogu geystay xubno Alshabaab, sida baahisay warbaahinta afka DFS ku hadasha.

Howlgalka oo la tilmaamay in jab xooggan lagu gaarsiiyay sdia hadalka loo dhigay Alshabaab ayaa ciidanka deegaanku waxa ay ka fuliyeen degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan tuulada Ceelka nuur-gadow, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda ah.

Tirada la dilay ayaa lagu sheegay inay gaareyso 3 xubnood, halka dhaaawacyo kale ay jiraan, iyada oo laga soo furtay hub.

“Howlgalkaan inta uu socday waxaa lagu dilay saddex ka mid ah Khawaarijta halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray argagaxisadii la weeraray, iyadoo ciidanka deegaanka ay goobtii ka soo qaateen hub iyo rasaas badan” ayaa lagu yiri warka DFS.

Todobaadyadii ugu dambeeyey waxaa gaab laga dareemaa howlgalladii ka dhanka ahaa kooxda Alshabaab ee ka socday gobolka Shabeellaha dhexe, inkasta oo ay jiraan abaabul iyo dagaallo ku dhufo ah, kuwaa oo qaarkood lagu dilay sida Dowladda Soomaaliya sheegatay Ciidanka horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed