Xildhibaanka Mucaaradka ah Cabdiraxmaan C. Shakuur oo shuruudo ku xiray Madaxweyne Xasan Sheekh si looga teegerada dagaalka ka dhanka Alshabaab

Xildhibaanka Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka mid ah golaha shacabka ah, si wayna u mucaaradsan siyaasadda xukuumadda Soomaliya ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho wuxuu ku sheegay in diyaar u yihiin dagaalka, balse waxaa uu dalbaday shuruudo uu wato iyo soo jeedimo qaar oo uu madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay inuu fuliyo.

Inkasta oo uu sheegay inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, hadane waxaa uu ka dalbaday si loo taageero inuu marka hore madaxweynaha uu u soo jeesto dastuurka iyo midnimada Soomaaliya, isaga oo wax ka siinaya talada mucaaradka iyo kuwa dowladiisa ku jira.

Sidoo kale, waxaa uu u soo jeediyey in maamul goboleedyada khilaafka uu kala dhexeeyo dowladda uu la heshiiyo.

“Madaxwayne annaga diyaar Ayaan ku nahay, inaa dalka kaala shaqayno, dan qaran kaala shaqayno,dowladnimada Somaliya kaala shaqayno, difaaca qaranka kaala shaqayno,lakiin waa markii destuurka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed aad u soo jeesato”.

Hadalka xildhibaanka ayaa yimid ka dib markii ay xubno siyaasiiyiin iyo hoggaan hore ahaa ay muracaadka ka dalbadeen inay taageeraan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed