Ciidamada Puntland oo sheegay in meydad badan oo Daacish ah ugu tegeen goobihii habeenno ka hor Mareykanku duqeeyay

Ciidamada Puntland oo maanta howlgal ay ka sameeyeen buuraha Cal Miskaad waxaa u suurta gasay inay gudaha u galaan degaanka Aleelo-yar oo ka tirsan togga Miiraale, oo ka mid ah goobihii Mareykanku duqeeyay habeen ka hor, halkaasi oo la tilmamaay in khasaare xooggan lagu gaarsiisay Daacish.

Xafiiska Warbaabinta u qaabilsan ciidamada Puntland oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in khasaare xooggan lagu gaarsiisay mileeshiyaadka Daacish duqeyntii laba habeen ka hor.

Sidoo kale, Xafiiska Warbaahinta ee ciidamada Puntland waxa uu sheegay in degaanka ay ciidamadu ugu tageen meydadka mileeshiyaadkii Daacish kaga dhintay duqeynta ah, hub iyo agab kale

”Ciidanku waxay gudaha u galeen deegaanka Aleelo-Yar oo habeen hore Maraykanku duqeeyay, waxay ka tirsantahay Togga Miiraale, waxay halkaasi Ciidanku ugu tageen Maydadka Argagixisada Daacish, Hub iyo Agabkale.”

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in soo bandhi doonaan saacaha soo socda xogo kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed