Ma dhabbaa in Trump qorshaynayo in IIraan ka reebo Koobka Adduunka? Sidee ku dhici kartaa

IIraan oo noqotay xulka labaad ee Asia ee u soo baxa Koobka Adduunka 2026, balse waxaa jira shaki ku gadaamaan ka qayb galkooda tartankaas oo waxaa la leeyahay waxaa suurtagal ah in laga mamnuuco ka qeybgalka ciyaaraha.
Weeraryahanka Inter Milan Mehdi Taremi ee u dhashay IIraan ayaa laba gool dhaliyay, taasoo keentay in IIraan ay barbaro 2-2 la gasho Uzbekistan kullan ciyaareedkii Talaadadii.

Natiijadan waxay IIraan u xaqiijisay booska ah iney u soo baxdo Koobka Adduunka ee 2026, taasoo ah markoodii afaraad oo isku xigta iyo guud ahaan markii toddobaad oo ay u soo baxaan tartanka.
Hase yeeshee, wargeyska The ee koo baxay magaalada London wuxuu su’aal geliyay suurtagalnimada in IIraan laga mamnuuco ka qeybgalka tartanka, kaasi oo lagu qaban doono sanadka dambe dalalka Mexico, Canada, iyo Mareykanka.

Sida laga soo xigtay wargeyska, IIraan waxaa laga yaabaa in laga hor istaago ka qeybgalka tartanka sababo la xiriira mamnuucidda socdaalka ee la soo jeediyay oo ay sameyso dowladda Mareykanka. Arrintan waxay ka dhalatay kadib markii maamulka Donald Trump uu soo saaray liis ay ku jiraan 41 dal oo muwaadiniintooda laga mamnuuci karo in ay galaan gudaha Mareykanka, taasoo ka dhigan in muwaadiniinta dalalkaasi ay la kulmi karaan caqabado aad u culus oo dhanka socdaalka ah.

IIraan waxay hoggaaminaysaa liiskan oo ay ku jiraan Kuuriyada Waqooyiga, Yemen, iyo Suuriya, waxaana sidoo kale jira dalal kale oo iyana u soo bixi kara Koobka Adduunka kuwaasoo ku jira liiska, sida Cameroon, Sudan, Burkina Faso, Cape Verde, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Venezuela.

Xayiraaddan socdaalka wali lama xaqiijin dowlad ahaan, balse intii uu Trump hayay xukuna muddo xileedkii hore, muwaadiniinta dalal badan oo ay ka mid yihiin IIraan, Ciraaq, Libya, Soomaaliya, Sudan, Suuriya, iyo Yemen ayaa loo diiday in ay galaan Mareykanka.

Bishii Janaayo 20, Trump wuxuu saxiixay amar xeer fulineed oo la doonayo in lagu ilaaliyo Mareykanka iyo muwaadiniintiisa kuwaasoo laga ilaalinayo shisheeyaha doonaya inay fuliyaan waa sida hadalka loo dhigaye weerarro argagixiso, khatar geliyaan amniga qaranka, faafiyaan fikir nacayb ah, ama si sharci darro ah uga faa’iidaystaan xeerarka socdaalka si ay u fuliyaan dano xun.

Sidaas darteed mamnuucista socdaalka ee la saaray dalalka dhowrka ah, waxay carqaladeyn kartaa suurtagalnimada ah ka qeybgalka ciyaaraha aduunka ee IIraan kuwaasi oo xaqiijisay u soo bixitaankooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed