Howlgal duqeyn ah oo lala beegsaday xubno Alshabaab oo khasaare xoogan uu ka dhashay, iyada oo soo baxayso xogta dhimashada horgooyaashaal waa weyn

Howlgal duqeyn ah oo la sheegay in si weyn loogu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo ku shir u socday deegaano hoostaga degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud ayaa Taliska ciidanka xooggu uu soo bandhigay magacyada xubnaha koxda ee lala beegsaday.

Warka dowladda oo lagu carrababay in howlgalku u dhacay sidii loo agaasimay ayaa lagu sheegay in la toogtay dhammaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii ku shirsanaa duleedka deegaanka Dib-dheer ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale, waxaa bayaanka intaasi lagu daray xubnaha la dilay ay awoodi waayeen sida hadalka loo dhigay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku howlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran, waxaana lagu yiri “Howlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa kusoo dhammaaday guul”.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno sar sare oo ka tirsan kooxaha Alshaaba, ayaa lagu dilay horjoogayaal ay ka mid yihiin:

1. Axmed Macalin – Horjoogihii degmada Ceel-Buur
2. Abuu Salmaan – Horjoogihii deegaanka Ceel-Garas, Galgaduud.
3. Xuseen Cali Badal – Horjoogihii deegaanka Xiindheere.
4. Budul Faarax Geedi – Horjoogihii deegaanka Ceel-qooxle.
5. Sakariye – Horjooge ka tirsanaa qeybta Galgaduud.

Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu bartilmaameedsaday xubno kale oo ka shaqeeynayay sida hdalka loo dhigay marin habaabinta bulshada degaanadaasi kuwaasi oo ay kamid yihiin.

1. Mire Cagdheer – Horjooge ka tirsan kooxda.
2. Muuse Cumar – Horjooge ka tirsan kooxda.
3. Maxamed U Rur – Horjooge ka tirsan kooxda.
4. Xaaji Bashiir – Horjooge ka tirsan kooxda.

Howlgalada cirka ah ee Ciidamada dowladda Soomaaliya la beegsanayaan kooxda Alshabaab ayaa kordhay bilihii ugu dambeeyey, kuwaa oo si gaar ah loogu beegsanayo goobaha shirarka ugu socdo kooxda iyo kaydadkooda hubka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed