DFS oo heshay diyaaradaha dagaalka casriga ee Turkiga, hadaba Maxay tahay awoodda ay leedahay diyaaraddaha la holin waaayey?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshay xermooyin diyaaradaha iswada ee Akıncı ah, ka dib markii dhigeeda Turkiga ay magaalada Muqdisho ka soo dejisay diyaarad nuucca Ciidamada ah oo siday sahaydan Milari.

Cilaaqaadka labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya oo isku wanaagsan ayaa sababay in Xukuumadda Muqdisho ay hesho diyaaradaha dagaalka ee Akinci oo qiimaheeda Maalaayiin Doollar ku kacayaan ahne caawimaadii ugu weynayd.

Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta kooxaha loogu yeero Argagixisada ayaa sheegay in gurmad aan nuuciisa horay loo arag ay ka heshay dhigeedda Turkiga, taasi oo ah diyaaradaha Akinci, inkasta oo uusan tiradooda sheegin, hadane Cabdulqaadir Maxamed Nuur wasiirka xilka bananeyna ee Gaashaandhigga ayaa u mahadceliyey Turkiga.

“Sidii caadada ahayd Türkiye mar kale maanta waxay gurmad aan noociisa horey loo arag la soo gaartey Shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jiro Khawaarijta” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir.

Tallaabadaan ayaa la filayaaa in ay sare u qaaddo awoodda howlgallada Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maxay tahay awoodda ay leedahay Akinci iyo Bambooyinka ay qaadi karto?

Bayraktar Akıncı waa diyaarad aan duuliyaha lahayn oo nuuca dagaalka oo ay soo saartay shirkadda Turkiga ee Baykar, waxaana loo adeegsadaa howlgallo militari iyo basaasnimo, iyada oo duuli karta 25 saac oo xiriir ah.

Akıncı oo qaadi karta gantaalo culeyskoodu gaarayo ilaa 1,500 oo kiilo ayaa halki mar xambaarta ku dhawaad 8 madaxyada gantaalada ah. Waxay duuli kartaa masaafo dhan 5,000 ilaa 7,000 oo Kilomitir.

Inkasta oo aan Qiimaha saxda ah ee Akıncı si rasmi ah loo shaacin, hadane warbixinno kala duwan ayaa tilmaamaya in qiimaha uu ku xirnaan karo arrimo dhowr ah sida: Qalabka lagu rakibo, Tirada la dalbanayo & Iskaashiga farsamo.

Bambooyinka Akıncı ay qaadi karto waxaa mid ah MK-81, MK-82, MK-83 iyo kuwa kale → waa Bambooyin casri ah oo si sax ah burburin kara bartilmaameedyada Cadowga. Akıncı waxay wax badan ka badeshay furrimaha dagaalka, gaar ahaan dagaallada Armenia iyo Azerbaijan, Itoobiya iyo TPLF.

Dalalka geeska Afrika ee dhawaan soo iibsaday waxaa kamid ah Kenya oo ciidankeeda cirka ku qalabeysay dhawaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed