Ciidanka Israa’iil ayaa Falastiiniyiinta ku amray inay si degdeg ah uga baxaan Beit Hanoun oo ku taala waqooyiga marinka Gaza, Khirbet Khuzaaca, Cabasaan al-Kabiirah, iyo Al jadiideh oo koofurta ku yaal, iyagoo sheegay inay yihiin goobo halis ah oo dagaal ka socdo.
Digniintan ayaa lagu shaaciyay bayaan uu ku faafiyay afhayeenka ciidanka Israa’iil, Avichai Adraee, oo lagu daabacay barta X, ayna la socotay khariidad muujinaysa meelaha la farayo in laga baxo.
Adraee wuxuu sheegay in Israa’iil ay weerar xooggan ku qaaday kooxo uu ku tilmaamay “argagixisada,” islamarkaana meelaha la calaamadeeyay ay yihiin goobo dagaal oo halis ah.Wuxuu intaa ku daray in Falastiiniyiinta ay si degdeg ah u adaan xarumaha qaxootiga ee la yaqaan ee ku yaalla Galbeedka Gaza iyo Khan Younis.
Israa’iil ayaa dib u bilowday duqeynta Marinka Gaza Talaado maanta ah, iyadoo weerarro culus oo ay fulisay ay sababeen dhimashada in ka badan 350 qof iyo dhaawac tobannaan kale, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in 100 diyaaradood ay ka qeyb qaateen weerarka, islamarkaana ay sii wadayaan inta loo baahdo, iyagoo ballaarin doona weerarada ka baxsan duqeymaha cirka.
Duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ayaa la la beegsaday goobo kala duwan oo Gaza ah, oo ay ku jiraan xeryaha qaxootiga Al-Maqaazi oo ku taala bartamaha, Khan Younis iyo Rafah ku yaalaq koofurta, Jabalia iyo Beit Hanoun oo ku yaala waqooyiga.
Horaantii bishii Maarso, wajigii koowaad ee heshiis xabbad-joojinta Gaza oo socday 42 maalmood ayaa soo dhammaaday, iyadoo Israa’iil ay diiday sii wadida wejiga labaad ee heshiiska, taasoo keentay sii socoshada dagaalka, kaasoo tan iyo 7-dii Oktoobar 2023 ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo Falastiiniyiin ah.
HBN ONLINE TV