Faahfaahinno kala duwan oo ka soo baxaya weerar iyo duqeymo ka kala dhacay Awdheegle iyo Shabeelle dhexe

Warar Kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaaha ka dhashay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday oo saaka salaaddii subax lagu qaaday saldhigga Ciidamadda dowlada ee ku yaalla Degmadda Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha hoose, weerarkaas oo ay ka dambeysay Kooxda Alshabaab.

Sida aan ku heleyno wararka horu dhaca ah, waxa ay sheegayaan in weerarku uu ku billowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ka dibna uu xigay dagaal toos ah oo Alshsbaab iyo Ciidamada Xoogga Dalka (CXD), gaar ahaan kuwa Gorgor iyo guutada 14 Octoober ku dhexmaray Saldhigga, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aan weli xog dheeraad ah la helin, halka dowladdu guullo ka sheegatay dagaalka.

Xogta ayaa tilmaamaysa inuu jiro khasaare xooggan oo dagaalka ka dhashay, balse aan tirada saxda ah la ogaan-Karin. Dowladda Federaalka Soomaaliya bayaan ka soo baxay lagu sheegay in ciidamada xoogga ay fashiliyeen weerarka, xubno badanno badan oo weerarka soo qaadayna ay dileen.

“Ciidamada Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka mar kale cashar lama illaabaan ah u dhigay Khawaarijta nafla caariga ah, kadib markii ay isku dayeen inay weeraraan fariisimo ay leeyihiin Ciidamada Qaranka” ayaa lagu yiri warka DFS.

Sidoo kale Bayaanka ka soo baxay dowladda ayaa lagu carrababay in degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda laga sameeyay howlgal wayne ka dib weerarka kooxu ku soo qaaday saaka sida hadalka loo dhigay si wayn loogu jabiyay, iyadoo la gaarsiiyay khasaare badan.

Dhanka kale, xalay howlgal qorshaysan ayaa Ciidamada Dowladda la sheegay inay ku burburiyeen goob kooxdu ay isku aruursanayeen oo ku taalla deegaanka Laba-Garas ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaasi lagu lagu bartilmaameedsaday sida warka loo yiri “dhammaan maleeshiyaadkii cadowga ahaa ee joogay.”

Weerarka saaka wuxuu kusoo aadayaa iyada oo wax ka yar 24 saac uu Ciidamada Xoogga ee Awdheegle ku sugan uu isu soo dhiibay horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak oo hoos taga degmada, kaasi oo magaciisa DFS ku sheegtay Yacquub Macalin Axmed, 7 sanno ka horna kooxda uga biiray deegaanka Janaale.

Dhinaca kale Wararka naga soo gaaraya duleelka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meel u dhow deegaanka Ceelasha Biyaha lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galay inta u dhexeysa deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Xubnaha Al-Shabaab ayaa lagu arkay iyaga oo maraya waddada dhinaceeda, waxaana kadib la maqlay rasaas kooban iyo jug culus oo dab socotay sida ay ku warameen ilo deegaanka ah.

Rasaasta ayaa u dhexeysay ciidamada dowladda ee ku sugan Aagaas iyo xubnaha Al-Shabaab, waxaana lasoo wariyay inay kooxdii lagu arkay aaggaasi ay dib u laabteen , iyaga oo horay usii galay dhulka hawdka ah ee ku yaalla halkaasi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed