Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirada Mareykanka iyo Turkiga wax ka yar 24 saac ayaa kala hadlay dagaalka ka dhanka Alshabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha dhexe.
Cali Guudlaawe oo kulanka ugu dambeeyey qadka Taleefanka kula qaaday Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktas ayaa la sheegay inay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Taageerada Turkiga ee howlgallada soconaya, iyada oo uu tacsi ka diray dadkii ku dhintay dagaallada socda.
“Safiirka ayaa u tacsiyeeyay intii ku dhimatay dagaalka isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhawaacantay howlgalka” ayuu lagu warka soo baxay Madaxtooyada Hirshaebeelle.
Sidoo kale, Safiirka Mareykanka ayaa xusay in ay Ciidamada Dowladda iyo dadka deegaanka in ay ka caawinayaan dagaalka Alshabaab, si looga saaro deegaannada ay kaga sugan maamulkaasi.
Dalalka Turkiga iyo Mareykanka oo qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda dalka, gaar ahaan dhinaca Duqeymaha ayaa dhowr jeer dowladda Soomaaliya sheegtay inay ka caawiyeen duqeymaha lala eegtay kooxda.
HBN ONLINE TV