Ku dhawaad 20 xubnood ka tirsanaa kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay duqeymo Dowladda Soomaaliya ka fulisay deegaan istiraatiiji ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in lagu dilay 16 dagaalyahan, ka dib laba duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanka Basra oo ah dhul beereed istaraatiiji ah oo u dhaxeeya Balcad iyo Afgooye, halkaas oo kooxdu ay weli ku suganyihiin, inkastoo horey loogu qaaday duqeymo iyo howlgallo dhulka ah oo badan.
Sidoo kale, NISA, ayaa carrabowday in howlgalkan laga fuliyey aagga deegaanka Basro in lagu burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen xubnaha duqeymaha lala eegtay.
“Howlgalkan oo labo mar oo kala duwan lagu beegsaday Khawaarijta, ayaa lagu guuleystay in lagu soo afjaro nolosha ilaa 16 xubnood oo isugu jiray Horjoogeyaal iyo Maleeshiyaad, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay go’doon ku ahaa dhul howdka ah oo u dhaw deegaanka Basro” ayaa lagu yiri warka NISA.
NISA ayaa tilmaantay in duqeymahaan ay ka taageereen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada Calamka, iyada oo hoosta ka xariiqday in weli sii wadi howlgallada lagu beegsanayo goob kasta oo ay ku dhuumanayaan kooxda Alshabaab.
HBN ONLINE TV